Khilaafka doorashada xiriirka kubadda cagta Puntland oo sii xoogaystay.

21 June, 2025

Khilaafka ka dhashay doorashada xiriirka kubadda Puntland ayaa cirka isku sii shareeray xilli wasaaradda dhalinyarada iyo…

Khilaafka ka dhashay doorashada xiriirka kubadda Puntland ayaa cirka isku sii shareeray xilli wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ay faragelin xooggan ku samaysay hanaanka doorashada.

Wasaaradda ayaa kadib baaqashada doorashadii xalay ku guulaystay inay saarto bedelna ku samayso wakiiladii ka socdey kooxaha Garowe City iyo Horseed oo ka dhisan gobolka Nugaal, waxaana tallaabadaasi sharci darro ku tilmaamay guddoonkii xiriirka oo markale xafiiska u loolamaya.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa magacaabay guddi cusub oo qaban doona doorashada guddoonka xiriirka iyadoo lafilayo inay qabtaan doorasho ka madax banaan wasaaradda.