Laascaanood: Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeemaya Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo…

Laascaanood: Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeemaya Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), iyadoo kala aragti duwanaanshaha labada hoggaamiye uu la xiriiro maamulka hay’adaha, awoodaha dastuuriga ah iyo habka talo-wadaagga.
Khilaafkan ayaa siweyn u soo shaac baxay markii uu Madaxweyne Firdhiye ku soo laabtay Magaalada Laascaanood ayaa siweyn loola xiriirunayaa magacaabista taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu ka biyo diidey Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Dhanka kale, xiisadda siyaasadeed ayaa gaartay Baarlamaanka Waqooyi Bari, iyadoo wararku sheegayaan in xildhibaannadu ay u kala janjeereen labada dhinac, waxaana xildhibaano katirsan barlamaanku ay Horseed Media u sheegeen inuu jiro mooshin ka dhan ah Abwaanka oo loo gudbiyey guddoonka barlamaanka kahor furitaanka kal-fadhiga barlamaanka.
Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Sool iyo Sanaag simada oo maalmihii la soo dhaafay ku hawlanaa dedaalo lagu xallinayo khilaafka labada dhinac ayaa la xaqiijiyey inay ku guul-darraysteen abuuridda jawi wadashaqayneed si meesha looga saaro khilaafkaan cusub.
Madaxweyne ku-xigeenka Abwaan ayaa 7-dii Oktoobar qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada kaga hadlay hadal-heynta khilaafka, isaga oo sheegay inuu weli ku taagan yahay mowqifkiisa ku aaddan midnimada iyo jiritaanka Maamulka Waqooyi Bari, balse uusan si gaar ah uga jawaabin eedeymaha loo jeedinayo.




