Falaagada M23 ayaa ka amar qaata Rwanda, iyadoo Uganda iyaduna ay ‘laba jibaartay joogitaanka ciidamadooda gudaha dalka DRC’, ayaa lagu yiri warbixin sir ah oo ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay.

Rwanda ayaa hogaanka “amarka iyo xakamaynta” u heysa fallaagada M23 ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halka Uganda ay “laba laabatay joogitaankeeda ciidan” ee DRC, waxay gaysanayaan xadgudubyo xuquuqda dadka rayidka ah, sida ay sheegeen koox khubaro ah oo ka socda Qaramada Midoobay.
Warbixin aan wali la daabicin oo khubarada Qaramada Midoobay u qaabilsan DRC oo si qarsoodi ah loo faafiyay ayaa qeexaysa xadgudubyada ay geystaan dhammaan dhinacyada isku haya colaadda DRC, waxaana lagu eedeeyay dowladaha deriska ah in ay ka faa’ideysanayaan oo ay sii kordhinayaan dhibaatada taagan.
Warbixintan ayaa loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii May, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Dhawaan ayaa la filayaa in la sii daayo.
Dhanka kale, natiijooyinka cusub waxay halis gelinayaan rajada laga qabay heshiiskii nabadeed ee Rwanda iyo DRC ay ku kala saxiixdeen Mareykanka bishii hore, iyo wadahadallada nabadeed ee Qatar ay dhexdhexaadinayso ee u dhexeeya dowlada DRC iyo kooxda M23.



