Khuburadii arrimaha ciidamada Puntland oo gaarey Cal-miskaad.

15 February, 2025

Saraakiil sare oo xagga amniga ah, khibradna u leh arrimaha ciidanka, oo ay ka mid yihiin…

Saraakiil sare oo xagga amniga ah, khibradna u leh arrimaha ciidanka, oo ay ka mid yihiin Gen. Morgan, Gen. Indho Yare, Xildhibaan Gen. Bashiir Ameerico, Gen. Omar, iyo saraakiil kale, ayaa booqday jiida hore ee ciidanka dowladda Puntland ay ka wadaan hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee deegaanka Toga Jeceel ee buuraleyda Calmiskaad.

Saraakiisha iyo khubarada amniga ayaa kulan la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka, iyagoo la wadaagay khibradooda, siiyay tallooyin iyo warbixinno amni oo ku saabsan hawlgalka socda.