Kiis lagu tahriibinayey dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu qabtay Aadan Cadde.

26 February, 2026

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shaacisay inay ka hortagtay isku day tahriibin ah oo lagu doonayay…

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shaacisay inay ka hortagtay isku day tahriibin ah oo lagu doonayay in gabar Soomaaliyeed si sharci darro ah loogu dhoofiyo dalka Liibiya.

Baaritaan iyo hubin ay sameeyeen saraakiisha Hay’adda ayaa lagu xaqiijiyay in gabadha laga soo tahriibinayay magaalada Laascaanood ay la socdeen shaqsiyaad ku lug leh falal tahriibin dhalinyarada Soomaaliyeed oo isku dayay in si khiyaano ah loogu sameeyo dukumintiyo safar.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha DFS ayaa shaacisay in gabadhaasi hab-raac sharci ah loogu wareejiyey laanta CID-da Magaalada Muqdisho, si loo sii amba-qaado baaritaanka loona qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee sifashada sharci darrada ah loogu dhoofiyey dalalka Galbeedka iyo Waqooyiga Africa si loogu tahriibiyo qaaradda Yurub.