Kolombiya oo aqbashay muwaadiniinta dib loo soo celinayo kadib markii uu Trump ugu hanjabay cunaqabatayn

27 January, 2025

Iyadoo laga jawaabayo hanjabaadaha cunaqabateynta Mareykanka, Kolombiya waxay ogolaatay inay aqbasho muwaadiniinta dib loogu celinayo duulimaadyada militariga, Aqalka Cad ayaa sidaa ku dhawaaqay Axadii.

Dowlada Kolombiya ayaa Axadii shalay ogolaatay inay aqbasho muwaadiniintooda laga soo tarxiilayo Mareykanka, saacado ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu dalkaasi kusoo rogi doono canshuuro xanuun badan si uu u ciqaabo dalkasta oo diida qorshihiisa masaafurinta ballaaran.

Madaxweynaha Kolombiya, Gustavo Petro, ayaa mar sii horreysay sheegay inuu dib u celin doono muwaadiniintooda laga soo celiyey Mareykanka, wuxuuna dib u celiyay laba diyaaradood oo militariga Mareykanka ah oo ay la socdeen dad Kolombiyaan ah oo lasoo tarxiilay.

Trump, oo in ka yar hal toddobaad xafiiska dib ugu soo noqday, ayaa si cadho leh uga jawaabay oo ku hanjabay inuu cunaqabatayn boqolkiiba 25% ah saari doono dhaqaalaha dalkaasi Latin America.

Madaxweyne Petro ayaa markii hore waxa uu damcay inuu isagana uu soo rogo tacriifooyin u gaar ah badeecadaha Maraykanka, laakiin axadii shalay ayuu ka noqday.