Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa u codeeyay tallaabooyin lagu joojinayo dagaalka Madaxweyne Donald Trump uu ka wado Iiraan iyadoo dagaalkaasi uu galayo bishii afraad, labada dowlad ayaa weli isku khilaafsan wadahadallada nabadda.

Codbixintan xalay waxay noqonaysaa dadaalkii ugu horreeyay ee guulaysta ee ay sameeyaan sharci-dejiyeyaasha Mareykanka si ay u soo afjaraan dagaalka, iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada Xisbi Xaakimka ay taageereen baaqan.
Waxay sidoo kale imaaneysaa iyadoo mucaaradka dagaalkan ay si weyn ugu soo badanayaan dhanka Xisbiga Jamhuuriga ee Trump sababtoo ah saameynta uu dagaalka ku yeeshay dadka Mareykanka ah iyo ku guuldareysiga Trump inuu si dhakhso ah u keeno heshiis la taaban karo oo waara oo lala galo Iran.
Waxay codbixintan ayaa ka tarjumeysa diidmada dagaalka ee gudaha Mareykanka balse awoodda joojinta dagaalkan ayaa ku xiran go’aanka Trump.
Qaraarkan, oo hore saddex jeer u fashilmay in la ansixiyo, ayaa ugu danbeyn lagu ansixiyay cod dhan 215 halka 208, iyadoo afar kamid ah xubnaha Jamhuuriga ay ku biireen xisbiga Dimuqraadiga si ay u meel mariyaan qaraarka oo ka gudbaya heerka aqlabiyadda.
Xildhibaanada Xisbi Xaakimka Jamhuuriga ayaa si weyn uga cabsi qaba inuu jab weyn kasoo gaaro doorashooyinka soo socda iyadoo inta badan shacabka Mareykanka ay si weyn uga soo horjeedaan dagaalka Iran oo saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha adduunka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay sharci-dejiyeyaasha, oo ay ku jiraan xubnaha Xisbigiisa Jamhuuriga, inay u codeeyeen qaraar lagu xakameynayo awooddiisa dagaal ee uu la galo Iiraan.
War-saxaafadeedka Khamiistii ayaa yimid saacado kadib markii Aqalka Wakiillada Mareykanka uu meel mariyay qaraar loogu yeero awoodaha dagaalka, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xaddido awoodda dagaalka ee Trump iyada oo aan la helin oggolaansho dheeraad ah oo ka timid Kongareeska.



