Kongo iyo falaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa saxiixday xabbad joojin horudhac ah oo looga dan leeyahay in lagu fududeeyo heshiis nabadeed oo la saxiixo bisha Agoosto. Midowga Afrika ayaa saxiixiisa ku tilmaamay horumar la taaban karo.

Wakiilo ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo maleeshiyada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa Sabtidii ku saxeexday Qatar xabbad-joojin ku meel gaar ah, taas oo labada dhinac u ballan qaaday inay saxeexaan xabbad joojin joogto ah iyo heshiis nabadeed oo dhammaystiran ugu dambayn 18ka Agoosto.
“Tani waxay astaan weyn u tahay dadaallada socda ee lagu doonayo in nabad waarta, amni iyo xasillooni lagu gaaro bariga DRC iyo guud ahaan gobolka harooyinka waaweyn,” ayuu guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ku yiri hadal uu soo saaray.
Heshiiskii “heshiiska mabaadi’da” ee Sabtidii wuxuu la socdaa heshiis nabadeed oo labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Washington 27-kii Juunyo.

Heshiiska lagu saxiixay Washington ayaa waxaa barbar socday heshiis dhinac ah oo uu madaxweyne Donald Trump sheegay in uu Mareykanka u sahli doono in uu helo macdanta badan ee DRC.
Bariga Congo ee qani ku ah macdanta ayaa soo arkay tobanaan sano oo dagaal ah iyadoo M23 ay tahay kooxda ugu caansan kooxaha hubaysan ee ka hawlgala gobolka.
Ma cadda qodobada gaarka ah ee heshiiska kama dambaysta ah iyo waxa tanaasulaad ah ee lagu heshiiyey. M23 ayaa dadaal ugu jirtay in la sii daayo dagaalyahanada la qabtay, halka Congo ay dalbatay in ciidamada M23 laga saaro dhulalka ay kooxda la wareegtay.
Bayaanka Sabtidii ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay iska ilaalin doonaan “dacaayadda nacaybka” iyo “isku day kasta oo lagu doonayo in xoog lagu qabsado goobo cusub.”
Kumanaan dagaalyahanada M23 ah ayaa ku haray bariga DRC.
In kasta oo Rwanda ay beenisay inay taageerto kooxda, haddana bishii June, wasiirka arrimaha dibadda Olivier Nduhungirehe wuxuu ogolaaday in la qaado waxa uu ugu yeedhay “tallaabooyinka difaaca” ee bariga DRC marka Congo ay kala dirto koox hubaysan oo Rwanda ay sheegtay inay ka dambayeen xasuuqii Rwanda ee 1994-kii.
Falanqeeyayaasha, ayaa sheegaya in ka bixitaanka fallaagada M23 ee magaalooyinka Bakayu iyo Goma – oo ay dhawaan la wareegeen – ay inta badan ku xiran tahay waxa ay DRC ugu dambeyntii rabto inay sameyso.
QM ayaa ku tilmaantay colaadda bariga DRC, oo ay ku barakaceen in ka badan toddobo milyan oo qof, mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dabadheeraaday, uguna daran caalamka.



