Madaxtooyada Kongo ayaa sheegtay in xukunkii dilka ahaa ee lagu riday saddex muwaadin oo Maraykan ah oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo sannadkii hore loo beddelay xabsi daa’in, ka hor booqasho uu halkaasi ku tagayo la taliyaha cusub ee Maraykanka u qaabilsan Afrika.

Dadkan Maraykanka ah ayaa ka mid ahaa ilaa 50 qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Maraykanka, Ingiriiska, Kanada, Beljin iyo Kongo, kuwaas oo maxkamad la soo taagay sannadkii hore ka dib markii lagu helay inay ka dambeeyeen isku daygii lagu afgambiyay dawladda bishii May.
Isugeyn 37 eedaysane ayaa maxkamad milatari ku xukuntay dil, bishii Sebtembar, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo kala ah Marcel Malanga, Tyler Thompson iyo Benjamin Zalman-Polun.
Saddexda qof ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo eedeymo kale.
Waxay beeniyeen inay wax khalad ah sameeyeen, waxayna ku guuldareysteen inay racfaan ka qaataan xukunka. Laakin wasaaradda cadaaladda ee Congo ayaa markaas soo jeedisay cafis, taasoo uu xeer ilaaliyaha guud ka codsaday madaxtooyada.
Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi ayaa Talaadadii saxiixay saddex amar oo lagu dhimayo xukunkooda xabsi daa’inka, afhayeenkiisa Tina Salama ayaa ka sheegtay telefishinka qaranka.
Horseed Media



