Koob loogu talagalay isdhexgalka dhalinyarada Bosaaso ka furmay

Published: October 14, 2021

Tartan kubadda cagta ah ayaa magaalada Boosaaso uga furmay naadiyo ka socda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Tartankan Kubadda cagta ayaa loogu magac daray Koobka Nabadda iyo Isdhexgalka Dhallinyarada waxaana soo qaban qaabiyay Taliska Ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

ILaa 6 (Lix) Naadi oo ka kooban dhallinyarada Xaafadaha Bosaaso ayaa ka qeybgalaya Tartanka .

Ujeedada Tartanka loo qabanayo ayaa ah sidii dhallinyaradu u helilahaayeen fursado ay ku horumariyaan xirfaddooda, fikirkooda, iyo wadashaqaynta iyaga iyo Ciidamada, maadaama dhallintu laf-dhabar u tahay bulshada, Amniguna yahay masuuliyad wadareed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *