Koobka Adduunka oo si rasmi ah uga furmay dalka Mexico.

12 June, 2026

Ciyaaraha koobka adduunka ee FIFA 2026 oo ay si wadajir ah u martigelinyaan dalalka Maraykanka, Mexico…

Mexican and South African players line up during during the 2026 World Cup Group A football match between Mexico and South Africa at the Mexico City Stadium in Mexico City on June 11, 2026. (Photo by Rodrigo OROPEZA / AFP via Getty Images)

Ciyaaraha koobka adduunka ee FIFA 2026 oo ay si wadajir ah u martigelinyaan dalalka Maraykanka, Mexico iyo Canada ayaa xalay si rasmi ah uga furmay Magaalada Mexico ee caasimadda dalka Mexico.

Xulka qaranka Mexico ayaa si guul leh ku furtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen xulka Koonfur Afrika kulan dhacay fiidnimadii Khamiista garoonka caanka ah ee Estadio Azteca, halka South Korea ay guul 2 – 1 ah ka gaartey dhiggeeda Czechia Czechia.

Guud ahaan tartanka koobka adduunka waxaa sanadkaan hareeyey fadeexado waaweyn iyadoo bahda ciyaaraha gaar ahaan kuwa reer Yurub ku tilmaameen koob adduunkii ugu xumaa ee abid taariikhda marka la eego dhacdooyinka bilowga kahor la diiwaangeliyey.

Soomaalida ayaa sanadkan saameyn iyo hadal-hayn weyn ku yeelatay Ciyaaraha Adduunka, kaddib markii garsoorahooda caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay tartanka uu Maraykanku u diiday dalkiisa.