Koonfur Afrika: Julius Malema hogaamiyihii mucaaridka oo lagu xukumay xabsi kadib markii lagu soo oogay dacwado hub sharci daro ah

16 April, 2026

Hogaamiyaha mucaaradka ah ee xisbiga EFF ayaa lagu helay dambi ah inuu qori ku riday isu soo bax siyaasadeed siddeed sano ka hor. Maxkamaddu waxay siisay fasax uu racfaan kaga qaadan karo xukunka.

Maxkamad ku taal Koonfur Afrika ayaa Khamiistii shan sano oo xarig ah ku xukuntay siyaasiga mucaaradka ah ee Julius Malema ka dib markii uu qori cirka u riday dibadbax siyaasadeed oo dhacay sanadkii 2018.

Kiiskan wuxuu ka dhashay dhacdo ka dhacday isu soo bax siyaasadeed oo ay isugu yimaadeen dadka u dooda xuquuqda dhaqaalaha ee xisbigiisa (EFF).

Malema, oo 45 jir ah, waa hoggaamiyaha xisbiga EFF, oo ah xisbiga afraad ee ugu weyn Baarlamaanka.

Malema waxaa bishii Oktoobar lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah u haystay hub iyo inuu hub ku riday meel fagaare ah. Dacwad oogayaashu waxay sheegeen inuu xabado cirka u riday intii uu dibadbaxu socday.

Malema ayaa iska fogeeyey dacwada lagu soo oogay, isagoo ku adkeystay in rasaasta loogu talagalay oo keliya inay noqoto mid dabaaldeg ah.

Malema wuxuu sheegay in dacwadaha loo haysto ay ahaayeen kuwo siyaasadaysan. Wuxuu ku andacoonayaa in kiiskan ay ka dambeysay AfriForum, oo ah koox u ololeysa xuquuqda aadanaha oo matalaysa xubnaha Afrikaner (Caddaanka Koonfur Afrika) ee laga tirada badan yahay.

Ururada u dooda Caddaanka Koonfur Afrika ayaa marar badan ku eedeeyey hogaamiyaha EFF inuu taageerayaashiisa ku dhiirigeliyo inay xooga kula wareegaan dhulkii ay horey u qaateen gumeystihii dalkaasi, isla markaana marar badan ku baaqay in la weeraro beeraleyda iyo maalqabeenada dadka cadaanka ah ee laga tiro baddan yahay.