Booliska ayaa sheegay in aan la garanayn sababta ka dambeysay weerarka kadib markii ay dableydu rasaas ku fureen gaari bas ah iyo makhaayad ku taal magaalada Bekkersdal.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen makhaayad ku taal magaalo ku dhow magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika, sida ay booliisku sheegeen, iyagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah dhibanayaasha si aan kala sooc lahayn loogu toogtay waddooyinka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Axaddii, booliisku waxay sheegeen in baaritaanno ay sameeyeen iyagoo kaashanaya Unugga Dabagalka Dembiyada, ay ku raad-joogaan kuwa ku lugta leh toogashada, taasoo ka dhacday magaalada Bekkersdal xalay saqdiidhexe.
Booliisku waxay intaas ku dareen in weeraryahannadu ay sidoo kale dhac u geysteen dadkii ay dileen.
Kekana, oo ah ku simaha taliyaha booliiska ayaa sheegay in weeraryahannadu ay dadka baaranayeen kadib markii ay toogteen, iyagoo qaatay alaabtooda qaaliga ah, oo ay ku jiraan taleefannadooda. Wuxuu sheegay in saddex qof lagu dilay gudaha baarka, halka kuwa kalena la toogtay iyagoo isku dayaya inay baxsadaan, iyadoo dableyda ay sii wadeen rasaasta markii ay ka baxeen goobta.
Waxaa jiray dhowr toogasho wadareed oo ka dhacay baararka – mararka qaarna loo yaqaan shebeens ama makhaayadaha ku yaal Koonfur Afrika – sannadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan toogasho wadareed oo ay geysteen kooxo hubeysan oo lala beegsaday baar aan shati lahayn oo ku dhow caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, weerarkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 12 qof, oo uu ku jiro ilmo saddex jir ah, horraantii bishan.
Dalka Koonfur Afrika ayey ka dhaceen ku dhawaad 26,000 dil ah sanadkii 2024, ama in ka badan 70 maalintii celcelis ahaan, Koonfur Afrika waxay kamid tahay dalalka ay ka dhacaan dilalka ugu badan adduunka.



