Booliska ayaa baadi goobaya dad badan oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dabley hubeysan oo 12 qof ku dilay deegaan ku yaal Johannesburg.

Weerarku wuxuu iftiimiyay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika, halkaas oo heerka dilalka uu kamid yahay kuwa ugu sarreeya adduunka.
Booliska Koonfur Afrika ayaa Arbacadii sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen Cleveland, oo ah xaafad ku taal Johannesburg, iyagoo dilay 12 qof, sagaal kalena dhaawacay.
Saraakiishu waxay sheegeen in in ka badan 10 qof oo looga shakisan yahay weerarka fiidkii Talaadada ka dhacay deegaanka Jumpers.
Booliska ayaa sheegay in ragga hubeysan ay wateen gaari Toyota Quantum, iyagoo ka soo galay laba meelood, kadibna rasaas ku furay meelo badan ka hor inta aysan ku baxsan isla gaariga.
Toogashada ayaa dhacday ka hor saqdii dhexe goob ay ku yaalliin aqallo bir ah oo u dhow halka ay ku noolaayeen macdan qodayaasha sharci darrada ah.
Booliska ayaa sheegay inaysan caddayn sababta loo dilay dadkan.
Dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhaca dilalka ugu badan adduunka, iyadoo celcelis ahaan la dilo qiyaastii 60 qof maalintii.
Weerarkan ayaa hoosta ka xariiqay rabshadaha joogtada ah ee ka dhaca degsiimooyinka aan rasmiga ahayn iyo caqabadda booliiska ka heysta kooxaha aadka u hubaysan.




