Guddoomiyaha barlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cali Siciid Fiqi, ayaa magacaabay afhayeenka cusub ee maamulkaasi, xilli…

Guddoomiyaha barlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cali Siciid Fiqi, ayaa magacaabay afhayeenka cusub ee maamulkaasi, xilli uu dalka ka maqan yahay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Wasiirkii hore ee warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa maanta loo magacaabay afhayeenka cusub ee maamulka , xilli uu sii xumaanayo xiriirka Koonfur Galbeed iyo Villa Somalia dhinacyaduna wajahayaan dagaal siyaasadeed.
Tallaabadaan ayaa lagu sifeeyey mid Maamulka Koonfur Galbeed ugu diyaar garoobayo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda federalka ah ee Somalia.
Magaabistan waxay timid, xilli xiisad colaadeed iyo mid siyaasadeed ka taagan tahay deegaannada Koonfur Galbeed, kadib markii uu xumaaday xiriirka Lafta-gareen iyo madaxtooyada dowladda federalka ah ee Somalia.




