Koonfur Galbeed oo amartay saraakiisha mucaaradku inaysan u safrin Muqdisho lana dawayn karin.

16 March, 2026

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku amray saraakiisha kala duwan ee ciidamada ku sugan maamulkaasi inaysan u…

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku amray saraakiisha kala duwan ee ciidamada ku sugan maamulkaasi inaysan u safri karin Muqdisho, haddii aysan ogolaansho ka helin xukuumadda Madaxweyne Lafta-gareen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa lagu amray in laga bilaabo maanta aysan safar ah uga bixi karin Baydhabo saraakiisha ciidamadu, inta lagu jiro hawlgallo ammaanka la xiriira.

Dhanka kalena, xukuumadda Koofur Galbeed Somalia ayaa isbitaallada gaarka loo lee yahay ka mamnuucay inaysan dawayn karin qof dhaawac ah oo aan ogolaansho rasmi ah ka haysan Maamulkaasi.

Tallaabadaan ayaa Maamulka Koonfur Galbeed ku sifeeyey inay socdaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, maalmo kahor sida aan tabinay DFS ayaa doonaysa in saraakiisha heer Federaal ee deeganadan kusugan in ay soo galaan Muqdisho.