Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inuu cafis u fidin doono soona dhaweynayo ciidamada DFS, gaar…

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inuu cafis u fidin doono soona dhaweynayo ciidamada DFS, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaamada maamulkaasi oo ay sheegtay in lagu qasbayo ajendaha weerarka Madaxweyne Lafta-gareen.
Koonfur Galbeed waxay sheegtay in dhammaan ciidamada aan raalida ka ahayn qorshaha dowladda federalka ah ee Somalia ay soo dhaweyn doonto ayna qayb ka noqon doonaan maamulkooda.
Dhanka kalena, War-saxaadeed ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in doorashooyinka ka dhacaya Koonfur Galbeed ay ka qeybgali karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda & musharaxiinta doonaysa xilalka kale duwan oo ay saaxadu furan tahay.
Madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay qabanayso doorasho loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah, diyaaradaha rayidka ahna waxay uga digtay in ficilada daabulka hubka ay masuuliyad ka dhalan doonto.



