Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyey rabshado ka dhacay degmooyinka Buurhakaba iyo Waajid,…

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyey rabshado ka dhacay degmooyinka Buurhakaba iyo Waajid, halkaas oo diyaarado hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub iyo saanado milatari geyeen.
Bayaan qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa lagu sheegay in arrintaani tahay mid halis ah oo dhalinaysa cawaaqib xumo iyo colaad ka dhacda deegaamada maamulkaasi.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa muujisay ayaa lagu sheegay in diyaaradihii iyo hubkii caalamku ku taageeray la dagaalanka nabaddiidka Somalia ay dowladdu u adeegsanayso hurin colaadeed iyo dagaal sokeeye.
“Tallaabadan foolxumada ah waxay muujineysaa sida hubka, diyaaradaha, iyo taageerada caalamiga ah ee loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada loogu mis-use gareeyay si looga waxyeelooyo shacabka rayidka ah.”




