Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa guulo ka sheegtay dagaal maanta ka qarxay saddex jiho oo ku…

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa guulo ka sheegtay dagaal maanta ka qarxay saddex jiho oo ku hareeraysan Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay inay jebiyeen dhinacyadii weerarka ku soo qaaday ayna u diyaarsan yihiin iska caabinta cidkasta oo ku soo wajahan sida uu hadalka u dhigay.
Hoos ka akhriso
Kuwii duullaanka kusoo qaaday shacbiga iyo Dowladda Koonfur Galbeed ee uu soo diray Xasan Sheekh marnaba ma guuleysanayaan. Waa la jebiyey xaqiiqdii, waxaana mar kale caddaatay in cadow kasta oo isku daya inuu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida shacabka uu la kulmi doono jab iyo fashil.
Shacabka iyo hay’adaha amniga waxay muujiyeen geesinimo iyo midnimo, taas oo fariin cad u dirtay cid kasta oo damac xun leh. Dowladda iyo shacabka Koonfur Galbeed waxay sii wadi doonaan difaaca dalkooda iyo ilaalinta nabadda iyo wadajirka.
Faahfaahinta rasmiga ah gadaal ayaan kasoo sheegi doonnaa, Insha Allah.
Ugaas Xasan
Af-hayeenka KGS




