Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyey dhaqdhaqaaqyo ka socda magaalada Muqdisho oo lagu…

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyey dhaqdhaqaaqyo ka socda magaalada Muqdisho oo lagu carqaladaynayo nabadda iyo horumarka ay gaareen deegaamada Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey in DPC uu yahay urur siyaasadeed laakiin uu yahay jabhad la doonayo in lagu dumiyo Koonfur Galbeed laguna horjoogsado horumarka maamulkaasi gaarey.
“Wax aan aqbalayno ma ahan in Jabhad laga soo aas-aasayo Muqdisho lagu carqaladeeyo nabadda iyo xasiloonida Koonfur Galbeed, DPC waa jabhad ee ma ahan xisbi Siyaasadeed, shacabkeenuna aqbali mayaan hagar-daamooyinka kaga soo wajahan Muqdisho”, Ayuu yiri Wasiir Bilaal.
“Waxa ay wadaan waa dhaqdhaqaaq doonaysa inay abuurto xasarad iyo xasilooni darro iyagoo ka dhiganaya arrin siyaasadeed, waxaan leenahay marna lama aqbalayo in KG loo soo guuriyo fidnimo, shacabka KG waxay ku naaloonayaan nabad, xubnahaasna waxaan leenahay waxaa idinla gudboon inaad horumarka Koonfur Galbeed ku faraxdaan”, Ayuu yiri Markale Wasiir Bilaal.