Koonfur Galbeed oo ka walaacsan sida ciidan ka baxay Muqdisho ku gaareen Buurhakaba.

28 March, 2026

Boqolaal katirsan ciidanka difaaca dowladda federalka ah ee Somalia oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa habeenimadii…

Boqolaal katirsan ciidanka difaaca dowladda federalka ah ee Somalia oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa habeenimadii xalay lagu soo dhaweeyey degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ciidamadaan oo safar dhulka ah kaga soo baxay duleedka Magaalada Muqdisho soona maray deegaamo ay ku sugan yihiin Alshabaab oo aysan xittaa ku safri jirin gaadiidka dadweynaha ayaa qayb ka noqon doona qorshaha DFS ee qabsashada Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Koonfur Galbeed Somalia.

Qaar kamid ah falanqeeyayaasha arrimaha ammaanka ayaa su’aal geliyey sida ay ugu suurawday dowladda inay ciidankeeda si nabad ah ku soo mariso deegaamo Alshabaab maamusho oo aan xitaa laga ogolayn isu socodka gaadiidak dadweynaha aanna horay loogu guulaysan furitaankooda.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa horay walaac uga muujiyey Mas’uuliyiin katirsan DFS oo uu sheegay in iyaga iyo ciidankiiba ku milmeen kooxda Alshabaab, wuxuuna sheegay in KGS lagu soo weeraray hubkii iyo gaadiidkii caalamku ugu deeqay dagaalka cadowga.