Koonfur Galbeed oo loo Magacaabay Madaxweyne ku-meel gaar ah.

Wasiirkii Maaliyada ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Axmed Maxamed Xuseen ayaa noqonaya Kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed,…

30 March, 2026

Wasiirkii Maaliyada ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Axmed Maxamed Xuseen ayaa noqonaya Kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed, markii ay isku raaceen dowladda Faderaalka & Madaxweynaha xilka baneeyey Cabdicasiis Laftagareen.

Diyaarada wadata sumadda 5Y-FAR ayaa galabta Madaxweyne Lafta-gareen ka qaadday garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo, isagoo ku sii jeeda mid kamid ah caasumadaha deriska.

Wafuud ka socota dowladda Somalia ayaa gaari doona Magaalda Baydhabo, kahor inta aan la gudagelin qabsoomidda hanaanka dhismaha hoggaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed yeelan doono.