Maamulka Koonfur Galbeed ayaa walaac xooggan muujiyey howlgallada milatari ee ka socda deegaanadooda, kana imaanaya dowladda…

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa walaac xooggan muujiyey howlgallada milatari ee ka socda deegaanadooda, kana imaanaya dowladda federalka ah ee Somalia.
War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dowladda ku soo daabulayso deegaamada Koonfur Galbeed ay ka dhalan karaan dagaalo sokeeye, xaalado bini’aadannimo iyo barakac dadweyne.
Waxaa sidoo kale la sheegay in khilaafaad siyaasadeed lagu xallinayo awood ciidan, taasoo sii kordhin karta xiisadda iyo barakaca shacabka, sida ay Koonfur Galbeed kudooday.

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia ku daabulaysay ciidamo ay tababar iyo qalabayn u sameeyeen dalalka UK, UAE, US iyo Turkiga.




