Koonfur Galbeed oo xiriirka u jartay dowladda federalka ah ee Somalia.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu joojiyey wada shaqeyntii ay la…

17 March, 2026

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu joojiyey wada shaqeyntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, kadib war-saxaafadeed oo soo jeediyey afhayeenka cusub ee maamulkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisu ay ka shaqeynayeen kala qeybsanaanta dalka, tixgalin la’aanta nidaamka Federaalka, iyo abaabulida ficillo amni-darro oo laga sameeyey qaar ka mid ah deegaanada Koofur Galbeed.

Dhanka kalena, Maamulka Koofur Galbeed ayaa caddeeyay in ilaa laga helayo dawlad u dhaqanta nidaamka Federaalka aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan doonin DFS, taasi oo sii hurinaysa xiisadda labada dhinac.

Koonfur Galbeed kama aysan hadlin waxka-beddelkii dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia oo uu si rasmi ah u ansixiyey Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.