Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa afduub habeenimadii xalay Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa afduub habeenimadii xalay Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug loogu geystey mid kamid ah saraakiisha hay’adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.
Sarkaalkaan la afduubtay oo lagu magacaabo Dr. Faarax Cabdi Maxamed ayaa waxa uu in muddo ah katirsanaa hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) oo hawlo samafal ah ka wadda cisbitaalka guud ee Gaalkacyo.
Kooxda afduubka geystey ayaa muuqaal ay soo duubeen ku dalbanayey in la sii daayo nin ku xiran Garoowe oo ku eedaysan dilka dilkii taliyihii hore ee ciidamada madaxtooyada Puntland Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan), oo dhacay 2020-kii.
Tallaabadaan ayaa noqotay mid ay cambaareeyeen qaar kamid ah waxgaradka gobolka Mudug oo dalbaday siidaynta sarkaalkaan caafimaad ee ku jirey hawlaha samafalka ah.




