Laba hay’adood oo hormuud ka ah xuquuqda Israa’iil ayaa ku sheegay hab-dhaqanka Israa’iil ee Gaza yahay xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiin.

Ururka B’Tselem iyo Dhakhaatiirta Xuquuqda Aadanaha-Israa’iil ayaa soo saaray warbixino kala duwan isniintii, ee daraasado laga sameeyay 21-kii bilood ee lasoo dhaafay xaaladda Gaza.
Ururada oo muddo tobanaan sano ah ka shaqaynayay Israa’iil ayaa bayaan ay si wadajir ah ayaa ku baaqaya in xasuuqa si degdeg ah loo joojiyo.
Afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil ayaa sheegay in ay si adag u diiday eedeymaha xasuuqa oo ah kii ugu horreeyay ee ay soo jeediyaan hay’adaha xuquuqul insaanka ee fadhigoodu yahay gudaha Israa’iil.
Shir jaraa’id oo ay ku qabateen magaalada Jerusalem (Qudus) isniintii, agaasimaha fulinta ee B’Tselem Yuli Novak ayaa sheegtay in warbixinta ururkeeda ay tahay “mid aysan waligeed fileyn inay qori doonaan”.
Dukumentigan oo ka kooban 88 bog ayaa waxa lagu yidhi: “Badhitaan lagu sameeyay siyaasadda Israa’iil ee Marinka Gaza iyo natiijooyinkeeda naxdinta leh, oo ay weheliyaan hadallada siyaasiyiinta sare ee Israa’iil iyo taliyayaasha millatariga ee ku saabsan hadafyada weerarka, waxay cadeynaysaa oo aan mugdi ku jirin in Israa’iil ay qaadayso tallaabo xasuuq oo ay si ula kac ah u burburinayso bulshada Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza.
Dhinaca kale, Warbixintooda 65 bog ka kooban, Dhakhaatiirta Xuquuqda Aadanaha ee Israa’iil (PHRI) ayaa sheegtay in falanqaynteeda sharciga ah ee diiradda saareysa caafimaadka ay ogaatay in Israa’iil ay bartilmaameedsatay kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee Gaza, si ulla kac ah oo aan kala joogsi laheyn.
Tiro ka mid ah hay’adaha xuquuqul insaanka ee caalamiga ah, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, iyo aqoonyahanno ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay xasuuq ka geysatay Gaza.
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale baareysa dacwad ay Koonfur Afrika u gudbisay oo ku saabsan in ciidamada Israa’iil ay xasuuq u geystaan Falastiiniyiinta ku nool Gaza.
Weerarrada Israa’iil ayaa lagu dilay in ka badan 59,900 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.



