Kooxda Alshabaab oo la wareegtey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

27 July, 2025

Ciidamada deegaanka ee Macawisleeyda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isaga baxay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,…

Ciidamada deegaanka ee Macawisleeyda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isaga baxay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib weerar ay saaka ku soo qaadeen malayshiyaad katirsan Alshabaab.

Dagaalka kadib kooxda Alshabaab ayaa la xaqiijiyey inay gudaha u gashay degmadaasi isla markaana ay la wareegtey xarumihii dowladda iyo qaar kamid ah goobaha adeegga bulshada.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Ciise Cabdi Waayeel, ayaa xaqiijiyey in Alshabaab oo wadata diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gaadiid fudud ay weerar ku soo qaadeen degmadaasi ayna dileen saraakiil uu kamid yahay talihii nabad-sugidda degmada Cadaado.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, dalalka taageerada ammaan siiya Soomaaliya iyo saraakiil sarsare ayaa horay uga digey in Alshabab ay gacanta ku dhigto Koonfurta dalka iyadoo hadda ku sii dhawaanaysa Magaalada Muqdisho.