Kooxda Arsenal oo 22 sano kadib ku guulaystey horyaalka Ingiriiska.

20 May, 2026

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku guulaysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2025/2026, waxaana dabbaal-deggaan hordhaca…

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku guulaysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2025/2026, waxaana dabbaal-deggaan hordhaca ah ka saacidey barbarihii Man City la gashay kooxda A.F.C. Bournemouth, Taageerayaasha Arsenal ayaa si weyn u dabaaldegay guushan taariikhiga ah oo ahayd markii ugu horreysay ee kooxdu hanato Premier League tan iyo sanadkii 2004.

Macallinka Mikel Arteta ayaa door weyn ku lahaa dib u dhiska Arsenal tan iyo markii uu kooxda qabtay sanadkii 2019, muddo saddex sano ah ayay kooxda ku dhoweyd koobka, balse sanadkan waxay muujiyeen joogteyn iyo adkeysi ay ugu dambeyn ku gaareen hanashada horyaalka.

Ciyaartoyda sida Bukayo Saka, Martin Ødegaard iyo Declan Rice ayaa door muhiim ah ka qaatay guusha Arsenal oo muddo 22 sano ah sugitaan dheer ugu jirtey hanashada horyaalka ugu xammaasadda badan Yurub.

Kooxda uu hoggaamiyo macalin Pep Guardiola ayaa sanadkii 2aad oo xiriir ah baxaysa iyadoo aan ku guulaysan horyaalka, waxaana xusid mudan inay sanadkaan isu diyaarinayso bixitaanka macalinkii kooxda ka dhigay midd ugu awoodda badan England.