Kooxda ISIS oo ugu yaraan 29 qof ku dilay gobolka Adamawa, Nigeria

28 April, 2026

Kooxda Daacish (ISIS) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay tuulada Guyaku, kaasoo socday dhowr saacadood.

Weerarkan lagu dilay ugu yaraan 29 qof ayaa ka dhacay tuulada Guyaku ee Gobolka Adamawa ee Nigeria, weerarkan ayaa socday dhowr saacadood laguna burburiyay hanti badan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Guddoomiyaha gobolka Ahmadu Umaru Fintiri oo booqday goobta weerarka ka dhacay iyo dadkii dhibataada soo gaartay ayaa si weyn u cambaareeyey falalka argagaxisada.

Kooxda ISIL (ISIS) ayaa mas’uuliyadda weerarka ku sheegatay qoraal ay ku qortay bartooda Telegram.

Waxaa jira laba kooxood oo hubaysan oo waaweyn oo ay taageerto ISIL oo ku sugan Nayjeeriya, laakiin weli lama caddayn midka ka dambeeyay weerarkan.

Weerarka Guyaku wuxuu dhacay isla maalintii kooxo kale oo hubaysan ay weerareen xarun agoonta ah oo ku taal waqooyiga-bartamaha Nayjeeriya oo ay afduubteen 23 carruur ah.