Weerarada ayaa waxaa ka mid ahaa weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Iskuul lagu tababaro Booliska, kaasi oo dhaliyay dagaal saacado qaatay.

Dowlada ayaa wacad ku martay in ay jawaab adag siin doonto kuwa taageera kooxda xagjirka ah – hanjabaadaas oo ku wajahan Talibanka Afgaanistaan.
Kooxda Talibanka Pakistan ayaa sabtidii sheegtay mas’uuliyadda weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay dhowr deegaan oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Pakistan, kuwaasoo lagu dilay 20 ka tirsan saraakiisha ammaanka iyo saddex qof oo rayid ah.
Weeraradan oo uu kamid ahaa weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday iskuul lagu tababaro booliska ayaa Jimcihii lasoo dhaafay waxaa laga fuliyay gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo xuduud la leh dalka Afghanistan.
Gobolka ayaa waxaa ku sugan dhowr kooxood oo hubeysan, kuwaasoo sare u qaaday weerarada ka dhanka ah ciidamada ammaanka tan iyo markii ay Taliban ku soo laabteen taliska dalka ay deriska yihiin ee Afgaanistaan sanadkii 2021-kii.



