Kooxo hubeysan ayaa weeraro isku mar ah ka geystay guud ahaan dalka Mali

Caasimadda Bamako iyo dhowr magaalo oo kale ayey ka dhaceen weeraro u muuqda kuwo isku xiran oo ay ku lug lahaayeen kooxo badan.

25 April, 2026

Rag hubeysan ayaa weeraray caasimadda Mali ee Bamako iyo dhowr goobood oo dalka ah, sida ay sheegeen ciidanku, weerarada ayaa u muuqda kuwo isku xiran oo ay ku lug leeyihiin kooxo kala gedisan.

Ciidanku waxay subaxnimadii Sabtida sheegeen inay la dagaallamayaan “kooxaha argagixisada” ee weeraray xeryaha ciidamada ee Bamako iyo meelo kale oo kamid ah dalka uu militariga maamulo.

Waxaa jira weeraro la mid ah isla waqtigaas ka dhacay magaalooyinka Sevare, Kidal iyo magaalada Gao ee waqooyiga Mali.

Wadanka Mali, oo hodan ku ah dahabka iyo macdanta kale ee qiimaha leh, ayaa la tacaalaysay kacdoon hubaysan oo in ka badan toban sano socday.

Horey ayey dalkaasi weeraro ballaaran uga geysteen kooxaha xiriirka la leh al-Qaacida iyo ISIL (Daacish). Xukuumada dalkaasi waxay sidoo kale la halgamaysaa dagaal taariikh aad u dheer leh oo ay wadeen Gooni-u-Goosadka Tuwareg ee waqooyiga dalkaasi.

Ka dib laba afgambi oo militari ah sannadihii 2020 iyo 2021, Bamako waxay xiriirka u jartay dalkii horey u gumeysan jiray ee Faransiiska, waxayna eriday ciidamada Faransiiska iyo hawlgallada ka waday dalkaasi.

Mali iyo dalalka kale ee Burkina Faso iyo Niger – oo ay sidoo kale xukumaan militariga oo ay taageerayaan calooshood u shaqeystayaal Ruush ah, waxay sameysteen Isbahaysiga Dowladaha Sahel (AES) sanadkii 2023.

Saddexdaas waddan waxay sidoo kale dhisteen Guuto militari oo isku-dhaf ah oo loogu talagalay inay la dagaallamaan kooxaha xagjirka ah ee gobalka.

Bishii Luulyo ee sannadkii hore, mas’uuliyiinta militariga waxay u ogolaadeen hoggaamiyihii afgambiga Goita inuu shan sano oo madaxweynenimo ah xilka hayo, kaas oo la cusboonaysiin karo “inta jeer ee loo baahdo” iyada oo aan doorasho dhicin.