Kormeer lagu sameeyey dhismaha waddada Gaalkacyo iyo Bacaadweyn.

15 October, 2025

Duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga horumarinta iyo ganacsato…

Duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga horumarinta iyo ganacsato ayaa maanta kormeeray dhismaha laamiga muhiimka ah ee isku xira Dusmada iyo magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ka socoto shaqo ballaaran oo dhisme ah.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu qiimeeyo heerka uu marayo dhismaha laamiga iyo tayada shaqada ay waddo shirkadda fulineysa mashruuca. Wafdiga ayaa si gaar ah u booqday xarunta lagu hubiyo tayada ciidda iyo agabka kale ee loo adeegsanayo dhismaha.

Mas’uuliyiinta degmada iyo guddiga horumarinta ayaa ku ammaanay shaqada hufan iyo dadaalka xooggan ee lagu bixiyay dhismaha laamiga, iyagoo tilmaamay in mashruucu uu yahay mid muhiim u ah isku socodka bulshada iyo kobaca dhaqaalaha magaalada.

Ganacsatada degmada ayaa iyaguna ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka iyo kooxda dhiseysa laamiga, si loo hubiyo in mashruucu uu ku dhammaado waqtigiisa isla markaana uu noqdo mid tayo sare leh oo waara.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka degmada uu mudnaanta siinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in laamigan uu muhiim u yahay isku xirka xaafadaha magaalada iyo horumarinta ganacsiga deegaanka.