Korontadii oo ka go’aday qeybo kamid ah dalalka Spain iyo Portugal

28 April, 2025

Spain iyo Portugal waxaa si weyn maanta oo isniin ah u saameeyey korontadii oo ka go’aday magaalooyin badan, taasoo hakisay shabakadaha tareenada dhulka hoostiisa mara, khadadka taleefoonada, nalalka taraafiga iyo mishiinnada ATM ee guud ahaan Jasiiradda Iberian.

Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in cilad ku jirto shabakada korontada ee Yurub laakiin wali lama oga sababta.

Ciladdan korontadda ee ku dhufatay Spain iyo Portugal oo dhan, ayaa sidoo kale saameysay caasimadaha, Madrid iyo Lisbon.

Hogaamiyaha Isbaanishka ayaa ka codsaday dadweynaha inay ka fogaadaan mala-awaalka wuxuuna sheegay inaysan jirin wax aragti ah oo ku saabsan sababta keentay maqnaanshaha.

Shirkada korontada ee Isbaanishka Red Eléctrica ayaa sheegtay in dib ugu soo celinta awooda si buuxda dalka iyo dalka deriska la ah ee Portugal ay qaadan karto 6-10 saacadood.

Guddiga Yurub ayaa sheegay in ay kala xiriireen Spain iyo Portugal xaaladda, halka madaxweynaha golaha Yurub Antonio Costa uu yiri “ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya weerar dhanka internetka ah”.