Ku dhowaad 2 Million oo qof ayaa maanta taagan banka Carrafo.

5 June, 2025

Dalka Sucuudiga in ka badan 1.8 milyan oo Muslimiin ah oo sanadkaan gudanaya waajibaadka Xajka ayaa…

Dalka Sucuudiga in ka badan 1.8 milyan oo Muslimiin ah oo sanadkaan gudanaya waajibaadka Xajka ayaa taagan Banka Carafa iyo halka loo yaqaan buurta Naxariista Maka ee dalka Sacuudiga.

Inkasta oo dowladda Sucuudigu ay sheegtay inay sanadkaan aad kor ugu qaaday taxadarka bedqabka xujayda, haddana waxaa la xaqiijiyey geerida 1, 300 xujay oo intooda badan u geeriyoodey xaaladda kulaylka daran ee dalkaasi.

Sucuudigu wuxuu sidoo kale mamnoocay in carruurta ka yar 12 sano waxayna uga digeen dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah u xajiyaan iyaga oo aan haysan ogolaansho rasmi ah in ay la kulmi doonaan ganaax dhan 5,000 oo doollar iyo ganaax 10 sano oo aanu qofku soo geli karin Sucuudiga.