Kudlooyinka mucaaradka oo kulamo ka bilaabay Muqdisho.

20 April, 2026

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee quuddarraynaya Madaxtinimada Somalia ayaa kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Somalia…

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee quuddarraynaya Madaxtinimada Somalia ayaa kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Somalia ka bilaabay Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xubnaha madasha samatibixinta ee Magaalada Muqdisho, Midowga Xisbiga Haybad-qaran iyo siyaasiyiin madax-banaan ayaa wada kulamo qorshohoodu yahay in lagu horjoogsado doorasho haldhinac ah oo ay qabato dowladda federalka ah ee Somalia.

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Xaaji Yaasiin oo kulan gaar ah yeeshay ayaa la weriyey inay isla qaateen sidii meel looga soo wada jeensan lahaa ajandaha Villa Somalia.

Mid kamid ah xildhibaanada kujira Kudlooyinka siyaasadda ayaa HM u xaqiijiyey in laysku raacay sidii loo midayn lahaa awoodda mucaaradka ayna dhammaan aragti midaysan uga qaadan lahaayeen qaabka loo wajahayo doorashooyin hal dhinac ah oo ka qabsooma qaybo kamid ah dalka.