Kulamadii ka socdey Xayndaabka Xalane ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya…

Kulamadii ka socdey Xayndaabka Xalane ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib seddex maalin oo dhinacyadu doodo adag lahaayeen.
Kulanka oo ay mucaaradka ku metelayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa kii ugu waqtiga yaraa, waxaana la sheegay in lagu kala tagay iyadoo aan heshiis iyo ballamo kale midna laga gaarin.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkaystay go’aankiisa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah & inuu haysto muddo xileed hal sano ah oo dastuurka cusub siinayo.
Mucaaradka oo shaaciyey inuu maanta dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku doodey inaysan aqbali doonin doorashooyin hal dhinac ah, iyagoo miiska keenay doorashooyin kale oo dowladdu diiddey.




