Shirkii magaalada Kismaayo uga socdey madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed…

Shirkii magaalada Kismaayo uga socdey madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kadib markii laysku fahmi waayey ajandayaasha shirka.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in loo ballamay shir dambe ayna sii socon doonaan kulamada wadahadalada labada dhinac, iyadoo qoraalka laga dhawray Madaxweynaha Jubbaland.
Qodobada laysku fahmi waayey ayaa waxaa kamid ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Axmed Madoobe ka doonayey inuu ka laabto doorashadiisii, oggolaado Doorashada qof & cod iyo inuu dib ugu laabto Golaha Wadatashiga Qaran, halka Jubbaland dooneyso in DFS ay aqoonsato doorashadeedii, qodobada kalena laga arrinsado aqoonsiga kadib.




