Kulamadii mucaaradka iyo DFS ee Muqdisho oo markale dib u dhacay.

Wareeggii labaad ee wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa dib loogu dhigay ilaa…

13 July, 2026

Wareeggii labaad ee wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa dib loogu dhigay ilaa 20-ka Luulyo, kaddib dadaallo ay wadaan wakiillo ka socda beesha caalamka oo dhexdhexaadinaya geeddi-socodka wadaxaajoodka.

Sida ay warbaahinta u sheegeen xubno katirsan dhinacyadii ka qaybgalay kulamadii ugu dambeeyey waxaa la filayaa inay markale kulmaan taariikhdaas si loo sii ambaqaado wada-hadallada looga gol leeyahay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.

Ka hor kulanka la qorsheeyay, dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa si gooni-gooni ah ula kulmi doona Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka. Kulamadan hordhaca ah ayaa diiradda lagu saari doonaa yareynta kala aragti duwanaanshaha iyo raadinta is-afgarad horseedi kara in wadaxaajoodka rasmiga ahi u dhaco si miro-dhal ah.

Wararku waxay muujinayaan in weli uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya mowqifyada labada dhinac, gaar ahaan Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo siweyn loogu kala fogyahay hannaanka siyaasadda, doorashooyinka iyo heshiisyada la doonayo in lagu wajaho marxaladda soo socota.

Beesha caalamka ayaa sii wada dadaallada ay ku doonayso inay labada dhinac ku dhiirrigeliso wadahadal iyo isu-soo-dhowaansho, iyadoo rajo laga qabo in kulanka 20-ka Luulyo uu horseedo horumar wax ku ool ah oo lagu xallinayo ismari-waaga siyaasadeed.