Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo kulan kula qaatay…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug. ‘
Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, xilli magaalada iyo guud ahaan Gobolka Mudug ka tagaan tahay xiisad ka dhalatay booqashada Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku hoyday Gaalkacyo, iyadoo socdaalkiisa magaalada uu ku soo aadayo xilli ay Puntland si cad uga digtay in xaaladda magaalada loo adeegsado arrimo siyaasadeed ama loo horseedo xiisad cusub, maalmo uun kadib hawlgalkii ay Puntland kula wareegtey ciidankii iyo xeryihii heer federal.




