Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Cammaan ee caasimadda Urdun ka furmay shir u dhaxeeya dalalka Turkiga, Urdun, Ciraaq, Lubnaan iyo Suuriya, kaasoo ay isugu imaanayaan wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee shanta dal, iyo sidoo kale taliyayaasha sirdoonka iyo hoggaamiyeyaasha ciidamada.

Habeen dambe ayaa la filayaa in shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabtaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Urdun, Ciraaq, Lubnaan iyo Suuriya.
Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii la isaga kaashan lahaa amniga, la dagaalanka argagixisada, iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan, iyadoo ay barbar socoto ka doodista dhaqdhaqaaqyada guud ee gobolka.
Kulamada ayaa ujeedadoodu tahay in si buuxda looga hadlo dhinacyada iskaashiga iyo raadinta xalalka arrimaha gobolka.
Horseed Media