Kulanka golaha wasiirada Jubaland oo looga hadlay xaalada fatahaada Baardheere

Published: March 30, 2023
Shares24

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka waxaa warbixin looga dhagaystay guddiga gurmadka fatahaada Degmada Baardheere oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka jireen daadad ku fatahay kuwaas oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Deegaanka.

Sidoo kale waxaa Warbixin la xiriira xaalada amniga guud ee Jubaland laga dhagaystay Wasaarada Amniga oo ka warbixisay howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Hay’adaha amaanka todobaadkii lasoo dhaafay kuwaas oo lagu dilay xubno katirsan kooxaha Argagixisada ah.

Dhinaca kale Waxaa golahu uu akhrintii labaad marsiiyay sharciga dhismaha Hay’ada wadooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Howlaha guud iyo dib u dhiska isla markana qeybo kamid ah sharcigan wax ka badal ay golahu ku sameeyeen.

Horseed Media