Xi iyo Trump waxay ku heshiiyeen inay xiriirkooda uu noqdo mid ‘wax dhisaya, istaraatiijiyad leh oo deggan’ maalinta ugu horreysa ee wadahadallada ka dhacaya Beijing.

Maalintii koowaad ee booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Shiinaha si uu wadahadallo ganacsi u galo, isaga iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping labaduba waxay isku dhaafsadeen khudbado xafladii u horeysay oo ka dhacday Hoolka Weyn ee Shacabka ee Beijing, waxayna xiriirkooda ku tilmaameen mid “muhiim u ah” adduunka.
Khamiistii, kadib booqasho uu Trump ku tagay Qasriga caasimada Shiinaha, oo ah goob taariikhi ah oo 600 sano jir ah, hogaamiyaha Shiinaha Xi wuxuu ka hadlay “mustaqbal wadaag ah oo ay yeeshaan Mareykanka iyo Shiinaha”, isagoo sidoo kale ka digay in hadii lagu guuldareysto maaraynta xiriirkan uu abuuri doono “xaalad aad khatar u ah”.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisa Shiinaha ku tilmaamay “saaxiibkiis” khudbaddiisii furitaanka ee uu ka jeediyay xafladda uu Xi u sameeyay hogaamiyaha Mareykanka.
“Waxaan yeelan doonnaa mustaqbal wanaagsan. Waxaan ixtiraam weyn u hayaa Shiinaha iyo shaqada aad qabatay. Waxaad tahay hoggaamiye weyn,” ayuu Trump u sheegay Xi.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay in labada dal ay tahay inay noqdaan kuwo iskaashada, halkii ay noqon lahaayeen kuwo iska soo horjeeda, isagoo intaa ku daray in “ixtiraamka labada dhinac uu fure u yahay xiriirka deggan ee Shiinaha iyo Mareykanka”.

Intii uu socday kulanka Khamiistii, Xi ayaa la sheegay inuu Trump uga digay in arrinta Taiwan – oo Shiinuhu u arko dhulkeeda – ay horseedi karto isku dhac dhex mara Washington iyo Beijing haddii aan si taxaddar leh loo maareyn.
Si kastaba ha ahaatee, Taiwan laguma soo hadal qaadin war-murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay kulanka kadib, Trump-na si gaar ah ayuu uga dhego adaygay su’aal ka timid weriyayaasha oo ku saabsan mowqifkiisa ku aaddan Taiwan.
Xi ayaa u sheegay Trump in “su’aasha Taiwan ay tahay arrinta ugu muhiimsan ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka”, sida uu Khamiistii ku soo qoray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning bogga X.
Xi ayaa sidoo kale la kulmay hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee Mareykanka kuwaas oo Trump la socday safarkan.

Dagaalka Iiraan
Dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iiraan, kaas oo galay maalintiisii 76aad Khamiistii, ayaa sidoo kale looga hadlay kulankii dhexmaray Trump iyo Xi Khamiistii.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen, Trump iyo Xi waxay ku heshiiyeen in Marinka Hormuz uu furnaado oo Iiraan aysan waligood yeelan hub nukliyeer ah.
Saraakiisha Mareykanka ayaa hore u sheegay inay u baahan karaan caawinta Shiinaha si ay Iiraan ugu qanciyaan inay furto Marinka Hormuz. Laakiin falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Beijing ay ka rabto Mareykanka tanaasul, oo laga yaabo inay ku saabsan tahay arrinta Taiwan, si loogu beddelo gargaar kasta oo lagu xallinayo xiisadda Bariga Dhexe.
Trump iyo Xi ayaa laga yaabaa inay mar kale kulmaan ugu yaraan laba jeer sanadkan – iyadoo la filayo inay ka wada qeyb galaan shirka hoggaamiyeyaasha Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya-Baasifigga (APEC), oo bisha Nofeembar ka dhacaya magaalada Shenzhen ee Shiinaha iyo shirkii Kooxda 20 (G20) oo bisha Diseembar ka dhacaya Miami, Florida ee Mareykanka.



