Kulankii labada aqal oo fashilmay & MW Xasan Sheekh oo ka garaabay celinta ciidankii Puntland iyo Jubbaland.

2 February, 2026

Kulan ay maanta la haayeen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la damacsanaa in…

Kulan ay maanta la haayeen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la damacsanaa in looga doodo wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka ayaa fashil ku soo dhammaaday kadib gacan-qaad dhexmaray xildhibaanada mucaaradka iyo ciidanka ammaanka.

Rabshada maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ayaa waxaa dhaawac fudud ka soo gaarey xildhibaanad Cadar Xareed oo la dhigay isbitaal markii dhaawac ka soo gaaray lug, waxayna sheegtay in dhaawaca uu u geystay askari ka tirsan ciidamo boolis ah Soomaaliyeed ee goobta ku sugnaa.

Xubno katirsan Madasha samatabixinta Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa booqasho ugu tegey xildhibaanadda dhaawucu soo gaarey, waxanayna sheegeen in tallaabooyinka ay guddoonku qaadeen aysan u wanaagsanayn mustaqbalka dalka.

Dhanka kalena, wararka aan ka helayno guddiga shirkii shalay baaqdey ee Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh ka garaabay tallaabadii lagu joojiyey ciidanka Puntland iyo Jubbaland uuna diyaar u yahay inuu ka garboxo golaha Mustaqbalka ee kula shiri lahaa Muqdisho Isniinta soo aaddan.