Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda dowaldda federalka ah…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda dowaldda federalka ah ee Somalia oo galabta kulankiisii labaad ku soo dhammaaday aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia.
Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa isaga soo tagay madaxtooyada kadib kulankii labaad oo kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax tanaasul ah laga helin labada dhinac, oo ku kala adkaysanaya mawqifyadooda siyaasiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu maanta la yimid mawqif adag oo ah inaan laga wada hadli karin doorashada heer federaal ah ilaa marka hore la qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Beesha caalamka ayaa weli sii wadda dedaalada ay ku doonayso in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo halka uu dalku u jahaysanayo waxaana golaha Mustaqbalku horay u sheegeen inay doorasho qaban doonaan haddii uusan Madaxweynuhu dalka doorasho gelin.




