Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga joogtada ah…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubnaha Guddiga joogtada ah ee GWDPL, waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Puntland ee dhinacyada Amniga, Horumarka, Doorashada Goleyaasha Deegaanka Qardho, Eyl & Ufeyn iyo Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS.