Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Todobaadka Dhaqanka Puntland

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa si rasmi ah u…

31 May, 2026

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasabadda Todobaadka Dhaqanka Puntland oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay agabyo kala duwan oo ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo muujiyay suugaanta, farshaxanka iyo waxyaabaha dhaqameed ee ay caanka ku yihiin bulshada Soomaaliyeed. Bandhigga ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta aqoonta iyo wacyigelinta ku saabsan muhiimadda ilaalinta dhaqanka iyo hiddeyaasha ummadda.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta dadaalka ay gelisay qabanqaabada munaasabaddan, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo lana horumariyo dhaqanka Soomaaliyeed si jiilasha soo koraya ay uga dhaxlaan aqoon iyo faham ku saabsan taariikhdooda iyo hiddahooda.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan dhowrista iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, si loo sugo sii jiritaankiisa loogana hortago in uu lumo ama saameyn ku yeeshaan dhaqamo shisheeye.

Screenshot