Kim Jong Un ayaa tijaabiyey mid kamid ah hubkiisa cusub ee habka gantaalaha lidka diyaaradaha.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Jimce ah tijaabisay nidaam cusub oo hub ah oo sare u qaadaya diyaargarowga dagaalka, halka Xoghayaha Golaha Amaanka dalka Ruushka Sergei Shoigu uu gaaray Pyongyang si uu wadahadal ula yeesho Kim Jong Un.
Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa aad isugu soo dhawaaday tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Ukraine 2022, halka kuuriyada koonfureed ay ku eedaysay Kim inuu u soo diray kumanaan askari iyo shixnado hub ah si ay uga caawiyaan Ruushka la dagaalanka Ukraine.
Moscow iyo Pyongyang midkoodna si rasmi ah uma uusan xaqiijin in la dirayo ciidammo, balse labada dal ayaa sannadkii hore kala saxiixday heshiis milateri oo uu ku jiray qodob ka hadlaya is-difaaca labada dal, markaasoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu booqasho naadir ah ku tagay Kuuriyada Waqooyi oo haysata hubka Nukliyeerka.
Horseed Media