Kuuriyada Woqooyi ayaa tijaabisay gantaallada istiraatiijiga ah oo laga soo tuuray badda waxayna “si sax ah u garaaceen bartilmaameedkooda,” waxayna ballan-qaadday inay qaadi doonto “tallaabooyinka ugu adag” ee ka dhanka ah Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku warantay in hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un uu kormeeray tijaabada, isaga oo ku tilmaamay tijaabada “nidaamka hubka muhiimka ah”.
Wakaaladu waxay sheegtay in gantaalada laga hagayay dhanka badda ilaa oogada sare ay socdeen masaafo dhan 1,500km, waxayna ku duuleen mudo u dhaxaysa 7,507 ilaa 7,511 ilbiriqsi ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkii ay damacsanaayeen. Waxa ay ku micneysay in tijaabaddan aysan wax saameyn xun ku yeelan ammaanka dalalka deriska ah.
Wakaaladda wararka ee Central News Agency ayaa sheegtay in tijaabada gantaalku ay ku imanayso qaab dhismeedyo lagu dhisayo awoodda difaaca qaranka ee ka dhanka ah cadawga iman kara iyadoo la raacayo xaaladaha bedqabka ee gobolka.
Warbixin gaar ah oo ay hay’addu soo saartay, wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ballan qaaday in ay qaadi doonto “tallaabooyinka ugu adag ee ka hortagga ah” ee ku wajahan Mareykanka. “Tani waa habka ugu wanaagsan ee lagula macaamilayo Mareykanka.”



