Kuuriyada Waqooyi ayaa Arbacadii tijaabisay gantaal istiraatiji ah oo nooca loo yaqaan “Cruise missile”.

Wakaalada wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo jimco ah sheegtay in Pyongyang ay tijaabisay gantaal.
Waxa ay tilmaantay in gantaalkan looga dan leeyahay in lagu muujiyo waxqabadka “ka-hortagga nukliyeerka.”
Wakaaladdu waxa ay sidoo kale sheegtay in qayb gaar ah oo ka mid ah Cutubyada Gantaalada Wadajirka ah ee Ciidanka Kuuriyada Waqooyi ee ku sugan Gobolka Galbeedka ay si tijaabo ah u rideen Gantaalkan Istiraatiijiga ah oo loo yaqaanno Cruise.
Waxa ay tilmaantay in u jeedka dhoolatusku uu yahay in looga digo cadawga Kuuriyada Waqooyi in ay awood u leedahay in ay weerar rogaal celis ah ku qaado Pyongyang meel kasta, iyo in lagu baraarujiyo xaaladda diyaargarowga kala duwan ee ay u adeegsanayso howlgallada Nukliyeerka.
Intii lagu guda jiray dhoolatuska, hogaamiyaha Kim Jong Un wuxuu shaaca ka qaaday in mas’uuliyadda ciidamada hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ay tahay “difaaca madax banaanida iyo amniga qaranka.”
Horseed Media