Kuuriyada Waqooyi oo wacad ku martay in ay si buuxda u taageeri doonto Ruushka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa uu si buuxda u taageeri doono ciidamada Ruushka oo ah “waajib walaaltinimo”, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay xiriirka labada dal mid “gaar ah”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee KCNA maanta oo Khamiis ah.

4 September, 2025

Kim iyo Putin ayaa Arbacadii ku yeeshay kulan dhinac socday damaashaadka Shiinaha oo lagu xusayay is dhiibistii rasmiga ahayd ee Japan ee dagaalkii labaad ee aduunka oo ka dhacay magaalada Beijing.

Labadan hogaamiye ayaa garab taagnaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo dhoolatus ciidan oo aad u balaaran ku soo bandhigayay isu imaatinkii ugu horeeyay ee madaxda saddexda wadan tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Safarka Kim ee Beijing waxa uu soo bandhigay fursadiisii ​​ugu horeysay ee uu kula kulmo Putin iyo Xi si wada jir ah, iyo sidoo kale in uu ku dhex milmo in ka badan labaatan hoggaamiyeyaal qaran oo kale oo ka soo qayb galay munaasabadaha.

Putin ayaa “aad u ammaanay” askarta Kuuriyada Waqooyi ee dagaalka kula jirta Ukraine, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dal uu yahay “mid gaar ah oo kalsooni, saaxiibtinimo iyo isbaheysi ah”.

Kuuriyada Waqooyi ayaa u dirtay Ruushka askar, rasaas iyo gantaallo si ay Moscow uga taageeraan dagaalka ay kula jirto Ukraine.

Hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa todobaadkan ku qiyaastay in ilaa 2,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah oo loo diray inay u dagaalamaan Ruushka la dilay.

Waxa ay aaminsan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay qorsheyneyso inay geyso 6,000 askari oo kale, iyadoo ku dhawaad ​​1,000 askari ay horey u joogeen Ruushka.

Kim iyo Putin ayaa si faah faahsan uga wada hadlay qorshayaasha mustaqbalka fog ee iskaashiga, waxayna dib u xaqiijiyeen “rabitaanka joogtada ah” ee ay ku doonayaan in ay sare ugu qaadaan xiriirka labada dal, sida ay sheegtay KCNA.